bulshada anigoo u wacan bar baarta anigoo ku jira
badhkii lagu taamayee bartee cilmigii hantiyay
macaan barashadaadii saw jacayl baas iguma dhicin
biligaad leedihiyo sow maan bilicdaada ka helin

barwaaqo dhulkoo udgoon bad iyo jiifaan xareed
biliga lagu doogsadana adaa bilicdooda lee
bal qabo caashaqan i galay

bogiyo waaxyahaa dhamaan beerkiyo jiidhkaygo idil
jacayl igu baahaybaa beerkiyo xidida i jaray
basaaskii sow dartaa baadkiyo cuntadii ma jarin
baqiyo aragaaga wacan sow maan baadi goobto
noqon

Exit mobile version