qalbiga laba kala qawaday
kuwaan isku qanacsanyn
qilaafka dhexdooda yaal
hadaanay qaboojin kareyn
qaanuunka waxaa ku dhigan
intaan qaxarkoodu badan
qiimaha sharafkoodu dhicin
inay kala qaybssamaan
midkaad kala quusateen
sharcigu idinkala qabiley
haduu qoontaada rabo
quraanku siduu na yidhi
gobtaa samir qaadatee
qalooca haduu ubogo
adigu waligaa qadari
huunooy waligaa qadari
walaal waligaa qadari
hadii qalad hore udhacey
qisada lama sii qod qodo
waayeelku intuu qayaxo
intuu qariyaa ka badan
qofaad hoy wada dhisteen
qabow iyo nolol qadhaadh
qorshaha soo wada marteen
qoraalku intuu ahaaa
halkuu qaayaha dadnimo
wanaag kuu qiri lahaa
haduu ubadheedho qadaf
quraanku siduu na yidhi
gobtaa samir qaadatee
qalooca haduu ubogo
adigu waligaa qadari
huunooy waligaa qadari
walaal waligaa qadari