aduun hawl lagam waayo
huduqiyo wax naftaad hooyo
habeen daraniyo badroonba
inta is hareer ordaaye

markaan isku kaa haleeye
ayaad dhibta ii horseeday
kadayda inaad jartaana
miyay kula howl yaraatay

aduun hami lagama waaye
wax kuu hor hibashodood
hawl iyo ruuxay heshaaba
intaa ifka ku hirdamaaye

markaan isku kaa haleeyay
miyaad dhibta ii horseeday
kadayda inaad jartaana
miyay kula howl yaraatay

aduun hiif lagama waayo
ohiyo taliyo maalin hoosto
hawl iyo ruuxay heshaana
kashii nadis hayniyaaye

markaan isku kaa haleeyay
miyaad dhibta ii horseeday
kadayda inaad jartaana
miyay kula howl yaraatay

Exit mobile version