Onkod iyo ufiyo roob
Baad iyo maniyo ubaxeey
Ilqaba sagal arooryaadeey
Dhuuntiyo biyaha la anfaacsadaay
Saageedu wacaneey
Lagu wada amaanaay
Iimaanka deeqaay
Mar allee waad ii iftiintaa
Mar allee uurkaad
ku taalaa
Idam ilaah aqal nagiyo
Ubad khayr
Idam ilaah waan aayi doona
Anshixiyo asluub dumar
Ilwaad qurux le iyo muuqeey
Haydiga suleekhaadeey
Tii loo eryee ifka joogtayeey
Aragiyo maqalkuna
Way kugu arwaaxaan
Iimaanka deeqaay

Exit mobile version