dhab iyo riyo waa midkee
dhaayuhu ruuxay arkaan
dhulkana may joogtay
quruxda waan dhaygagee

yaabayee qoorteeda dheer
cududa dhudhunkiyo faraha
dhismaha qaabkeeda wacan
dhamaystiranaa yartani

waxani waa caadi dhaaf
dhabada markay soo martay
dhamaan dadku wada dhugtaan
intay daawashada dhacaan
in badan dakhar dhaawacmaan

haday dheediyo cuntiyo
dhadhamo soor noqon lahay
ilkaha waan ka dhawri laa
dhuuntaan qunyar marin lahaa

cajiib dhabanada shushuban
qotanka qorqornaanta dhilan
qaabkiyo bal dhaqdhaqaaqa day
quruxda waa loo dhaashaye

Exit mobile version