hankeeda naftaan dhisee
dhiiriyeen dhaqaaq joogsadeen
naflaha ka dhawaystayee

ha dhicin dheelida
dhirba tacliin u dhigoo la tali
dhigeed dhaafidaan is faray
dharaar qudha maan is odhan
waxay la dhiban qadhaadh

hadaba dhawrsanee walaal
hadaan kugu waday dhibiyo
hadaan dheef kula jeclaa
dhabtii kaa go'aye farax

naftaan u abaal dhigee
gal oo kaalay aan dhahee
wanaaga dhansiiyayee

ka jir xumaanta oo
ka dhawr u dhabiiloo dhintee
qayrkeed dhaafidaan is faray
hoheey maandhay dhakhsay
dhankee uga tidhi sabiil

Exit mobile version