inta aan hiigsanayee
hadafkayga durugsan
adi haybso leeyahay

inta aan hardamaaye
halku meesha ii daro
naftu haliso mudate
ha galin is leyahay

dawaa haadka duula
hawadiyo daruurtiyo
halka uu soconayaa
fogaan ilinka dayaxiyo
hirka aniga muuqdee
nafta hadhee is leeyahay

nin holaday bartuu rabo
hagardaamo gaadhiyo
inyar kuma hanjabi karo
hawsha aniga la ii diray

waa dadaalka hiigsiga
halkaan rabi ku tagi karo
anaayana rabaa iska leh
guusha aan ku heli karo

Exit mobile version