waxaad jeceshahay
dhamaan waa naftayday
wax ku jecelna diidayee
ma ogtahay janada udug
ma jiro uur soo maray
sahalna lama dhex joogtee
hadaad jamato dheedadaa
oonad hayn wax kujaraa
jabina mayso gacantuye
haku daalin jeedaal
haku daalin jeedaal
indha sooma jeedaan
qalbi kaa janjeedhaa

lugtaa jeeri dhaaftaa
naftay daay haa haa
wayjabtaaye ma ogtahay
wabi soo jirfadey iyo
bada joogle ma ogtahy
cago lama dhexjoojee
hadaad jamato cadowga
iyo ruuc ku jiidh neceb
hadhka kuuma jiidee
hadaad jamato cadowgaa
iyo ruux ku jiidh neceb
hadhka kuuma jiidee
haku daalin jeedaal
haku daalin jeedaal
indho sooma jiidaan
qalbi kaa janjeedha

Exit mobile version