midaan ka xushay aduunka
xidhiidh kala wadaagay koonka
kolkaan ku xardhay garaadka
haday iga xoortay maanka

anoo xubigiyo oonka
la ildaran xumadiyo busaylka
intay u xaglisay namiimka
haday iga xaaqday beerka

inteen xamilee dareenka
haduu xurmo beelay maanta
ka jaray xididkiisii uurka
ka baxay xusbigii jacaylka
ku dhigay xabsigii nacaybka

midaan ka xushay haweenka
midaan ku saday xaqdhawrka
kolkaan u xidhay damiirka
haday ka xiistay saaka

anoo xubnahiyo uurka
ku qoray xididada dareenka
xiskii ka mudnaa daryeelka
haday ka xujaysay maanka

midaan xoojiyay dulqaadka
hadaad xajin wayday khayrka
tirtiray xukunkii jacaylka

Exit mobile version