hadhoo qalbigii i daa dhe
haduu i jeclaa ha i tabin dhe
hankii kugu jiray ka guur dhe
hayaankaygoo ka daa dhe

waxaad haysaa badnayn dhe
hamiga kugu jiraa yaraa dhe
hankaad ka raqiis ahayd dhe
hedaada ayaa qab wayn dhe

kibirka waa lagu haftaa dhe
hantaaq weeyee ku naax dhe
dhex joog halasaha ku joog dhe

oho ka dhe ha soo jeedsan
hore u hoysoo ha igu rafan
kuma rabe hadalka dayso
ha hilmaamin waxaad samaysay
hana i moodin kaad taqaanay

humaagaag qurxoon dhe
hadan eberbaad ahayd dhe
hadaad meel igaga tiil dhe
ku qaday quruxdaad lahayd dhe

isuma kaa halayn karee dhe
hubsoo hadalkayga dhaaf dhe
ha soo noqon soco i daa dhe
hortayda iska eeg dhaqaaq dhe

Exit mobile version