anoo dadka kuugu wacan
dunida kaa eegta oo
dhamaan idilkood hablaha
ifkaba adi kuugu jecel

sawdigii aramida kalgacal
markuu kali igu ahaa
agtaydaba aad nacdee
aroori banaan i dhigay

nafsigu maba ooli karo
ayaanba qofbuu jiraa
haduu shalay igu adkaa
maantana adigaa u il daran

maxaan aawadaa jacaylka
dartaa kalgacayl la ooyay
maxaa anigoo bastay ah
in badan adiguna qoslaysay

is waydaar weeyi dhaca
ifkuna waa laba cishee
adkaysa adaa dhibtiyo
albaabka xumaha furee

Exit mobile version