xajiinta xareed xushaay
xagaa xayskii xigaay
xidigta xiligeen xusaay
xulkii xaramkiyo xajkaay

xinjirta xididada xushaay
xubnaha xusulada xajaay
xaglaha xoogiyo xiskaay
xubiga xeerkii xardhaay

xamdaay xaaskaan xushaay
xasila xiisaha xusaay
xafida oofiya xilkaay
xurmee xidhiidhka xigtooy
xasee xogteena xushmooy

halkan kaalay halkan kaalay

xumaanta xadhkaha xidhaay
xishood xuubkii xishaay
xudunta xubigeen xaqaay
xalkii xurgufkiyo xinkaay

xarunta xiisaha xashaay
xusuusta xiskii xadaay
xaqiiq xanaanada xilkaay
xariir xuural cayn xigtaay

Exit mobile version