VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Anaa helay - Lyrics

Hadalka wanagsan Odhaahda hagaagsan Ujeedka haboonee Hadaf ku saleesan Siciido huf naanta Hubaal adigaa Haweenka ku dhaafay Hawenka ku dhaafay Waxaad tahay hiilsha Hankaygiyo maanka Uhayso hogaanka Hoygii kalgaceelka Naftaad ku hagtaa Naftaad ku hagtaa Adiga kuu heelan Dhaaxaan hamiyoo Dartaa hadreeyay Siciido hadeer Hadaad ihor joogto Anaa helay guusha Libintiina haleelay Hilaadiyo muuqa Haybada usameesan Sareenta hankaaga Dadnimo ku habeesan Siciido hogaanka Hanaanka dhibtee Hibaad ulahaatay Hibaad ulahaatay Waxaad tahay heego Hiiyiga iyo laabta ku Hoortay xaqiiqa Hirarka jaceelka Naftaad ku hagtaa Naftaad ku hagtaa Adiga kuu heelan Dhaaxaan hamiyoo Dartaa hadreeyay Siciido hadeer Hadaad ihor joogto Anaa helay guusha Libintiina haleelay
Queue is empty
-- / --