xulashadii haweenkaay
qalbiga taan u xalayee
xerada uga oodayee
xidid dhiiga qaadoo
wadnaha u xanbaaraay

xubin igu muhiimaay
xayndaabka noloshaay
xubi nuur u daaraay
xiska tii dawaysaay
xiiso aan ba'ayneey
xuural cayntii dunidaay

xamdi eebe weeye asmaay
ku xasilay agtaadoo asmaay
xilahaygii noqotaye asmaay
aan xaqdhawrno caashaqa asmaay

mar horaan xaqiiqsadaye
inta dumar xishootiyo
marwo xulantidoodaay
jacaylkaynu xanbaarnan
xanjeerka u adkaynoo

xilkasnimo haweeniyo
xeel dheeri garashada
xikmada weeyi gaaree
xigtadiyo dariskuba
siday kuu xurmeeyaan
ana kuu xushmeeyaa

Exit mobile version