xiisahan boqolaalkajeer
kusiii baha qalbiga
bilad cishqi kuu sudhoo
adaan kuu baaqayaa
bilaahi jamshadaa
intaa igu boorisoo
baaqaagii iyo ereyadaa
bogaan ku qaboojiyaa
ladhkaad iga baanataa
dhibkaad iga baydhisaa
jabkaad iga baydhisaa
guushaad igu baydhisaa
jaceylka qof beera oo
aan bogsii karin baa jira
barmuuda hadaad gashana
anaa ku badbaadi lahaa
jaceylka qof beera oo
aan bogsii karin baa jira
barmuuda hadaad gashana
anaa ku badbaadi lahaa

Exit mobile version