Marka caday gobteedii
Boqran weeye caaliya
Cosob weeye daymada
Dahab lagu casuumoo
Carfigeedu waa udug
X2

Macid loodo aadmiga
Qof codkeeda laasima
Cisho ruux salaamaa
Cunaduu kasoomaa
Caaliya x2

Cisi aan ku faaniyo
Curad weeye dhowrsani
Rabiyow casiisow abid
Keed habadin ciil caaliya
X2

Cadho ruux lahayn iyo
Nasab weeye caaliya
Caqligeeda loodiray
Ehelu khayr cimaamadan
Waa calanka sharafeed
X2

Abidkeed canaantiran
Cindigeedu siixalan
Ifka ruux lacaawina
Cagta wali masoo
Dhigin caaliya x2

Cisi aan ku faaniyo
Curad weeye dhowrsani
Rabiyow casiisow abid
Keed habadin ciil caaliya
X2

Exit mobile version