jujuub maaha caashaqu
ama filin la jilayoo
hadba la isu jiibshee
hadii aan jacayl dhabi
qalbigayga ku jirin

dhibka aad la jaartiyo
jabka adiga kugu dhacay
kuuma soo jilcaayee
kaa jeestay aniguye
jamo ruux kaleetoo
la jalbeebo caashaqa

dhibka waan la jaaroo
jeedaalo beeniyo
xubi aan qalbiga jirin
kun horaa u joogoo
marka aad la jaartay
jidka kaaga tagayaan

ku jikaari maayoo
jaale kuma dhibaaye
jamashada hortaadii
waan soo jibaaxoo
anba jeexa waan xulay

hayeeshee jidiinkiyo
maan daynin jiifkee
ayinkastood jamaal qurux
jawharad u eegtahay

ama jaaha nuurka le
dadku moodo jawhar
qalbi kaa janjeedhaa
kuuma soo jeesta
jeedaalo dumariyo
waan joojay xiisihii
jacaylkiina waan xidhay

Exit mobile version