dookhiyo cishqibaa ku doonaayee
damiirka hankaa ku daydayayee
naftaa dayaxiyo daruur u tahoo
indhaha daymada ku doogsanayee
adaan dumarkaba ku dooranayee

daryeel inanyahay kal kuu diranoo
sidii dahab kuu dawiranayso
qalbigan dihinbaa ku doorbidayee

inaad diidaa dantay maahee
ku daalay intaan ku daydayayee
dareen adiguna waxa i dagayoo
dulqaad u lahaw si daacadahee

doogiyo adigaa gugoo da'ayee
dawaad tahay aan la dayn karine
ruuxdaad dayriyo daryeel u tahoo
sidii daalaan ku daawanayoo
da'daa adigaan ku darajeeyee

dadkaba gabadhyahay aday daranoo
ku daabacan meelaan la dayi karinee
miyaan dar ALLEE ku dayrin karaa

Exit mobile version