laba yahow is garabsadee
iska xushay gayaankood
galbiskiyo mashxaradani
waa gadab galkeeni dheh

gaaridii haweenka dheh
gobaad tahay hoy gobad tahay
gal gobeed igraay dheh
gobaad tahay hoy gobaad
dumar garasho dheeree
gobaad tahay hoy gobaad
gono goonyareede
gobaad tahay hoy gobaad

geedka idinku beerten dheh
midho guduudan yelay dheh
farxad weeye guurkene
gacal iyo sokooyow dheh
gabla iyo ciyaar tumay dhee

Exit mobile version