sidaan kuu arkoodaybay
indhahaygu kuu eegtaan
oo arigtaaduunbay
admi kale ioobaane

siduu raguba yahay adi
ayaan taan ku waayaba
waan kuu ilmeeyaaye
waa maxay umuurtani

inkastuu astaan leeyahay
caashaqa ishaan qabanoo
waa amuur qarsoon abidoo
ma astayn karee aadmiguye
igu aamin i love you

inkastoo aayahaygiyo
ila tahay ayaankaygii
aadmigu adkaysi male
kugu aaminee aniguna
yaanan eersan i love you

ayaantii timaadaba
halkii aad ku nooshaybay
naftu ay u oradaayoo
istareex ka doontaaye

kolay ruux jacayl galay
oohin kama dhamaadee
sidaan kuugu oon qabo
adna ma ii ogaataa

Exit mobile version