jidhiidhicadu waa maxay
maad aqoon jaceylkee
ma jiliinka dumarkaa
kaa dhigay jalaatadaa
waa digii jaleecadaa
iga jiidhi jiree
anigoo ujeel qaba
jawaabtaada oo qudha
jees jees dan moodee
ma haduukula helay jugtiisii
ma haduu jabkiisiyo
kula jaaray xiisuhu
qof ka aan la jaaraba
aawadey jeclaataa
waa jaanis duniduye
jeerkaygii weeyee
jidka laxawga soo raac
midkuu yahay jano iyo naar
qofka aad jeclaataa
hadii aanu kula jirin
sow jamashadiisa
jiro uumbaad ka qaadaa
jeedaaladiisaa
jawi kaleku galisee
isagoon kusoo jirin
waa maxay jaleecadu
ma haduu jabkiisiyo
kula jaaray xiisuhu
qof ka aan la jaaraba
aawadey jeclaataa
waa jaanis duniduye
jeerkaygii weeyee
jidka laxawga soo raac
midkuu yahay jano iyo naar

Exit mobile version