ubax jaad iyo jaadle
sidii jawharkiyo luulka
jamaal quruxsan
jeegaan la mood
jalaqsan iimaanleey

adaa jawhar nuurlaay
qalbiga jiitay idilkiiye
jaleecadaan ku eegaa
xubnuhu wada jareeyaane

jawi bila jacayl dhaba
i bara farax i joogteeya
jibo caashaq sow aawadaa
jamasho maan heesin
oo sow xumaan iga jiraay
jeex ma tihid ruuxda

jal wadnaha ku taaliyo
sidii daawo igu joogta
xariir ila jirtaba tahoo
aan u jeel qabo ee

adigaan masalkaagu jirin
jooginoon dahalane
jirjirada kashaydiyo
bogaad gabi dhex jiiftaaye

Exit mobile version