kolkoolshay
kuu dhowray
kobcintii kalgacalkeena
uga naxay qalbigayga
ka maqnaanta wehelkiisa
kana waayay dhinacayga

ku yeedhay kuuna baahday
kuu baafshay wadnahayga
kuu haybshay aragayga
kaana eegay garabkayga
kelinimo way ilowday

geesi xaaji kama heesin
kalmad caana kama sheegin
kan i helay kulaylkiisa
kashi oloshay uunba oge

ku khafiifay kulankaaga
kaana maarmi kari waayay
ka dul ooyay sawirkaaga
kaydin waayay ilmaadayda
kohoshana la iishooday

kaa badhay kaana doonaay
kaa raadshay dunidoo dhan
kugu koobay maankayga
ku iloobay kuuna xiisay
kaarkii xamili waayay

Exit mobile version