naanas ku xirkoo laxaad sidiyo
dhirta curub heshee laaxaysataa
sida laan baxdoo ubax liicaysaay
loolay qalbigu kuu laacayaa

sida lool dhidii isku loolayaa
laban laab qalbiga ku kamaantahay
kashan laxan kal kacal kula iimaysaa
adigaa lagiyo ku lig ligan wadnaha

lug tiyo lug tiyo gacmaha gacmaha
liishaamayoo la itaal sadee
lubigiyo adaa sudhan laabta
laba jeer adaa ka qurxoon lidhada

laas kii biyaha laga maaxi jiray
lagu oon bexee la ilaashadaaa
luun iyo haraad lubka iga xirtoo
ladaneey adaan hurdo kugu ladaa

jidhkiyo lafaha lingixii hayee
laxaw gii cish qiga iladaabisay
waan kuu shushoo lii liicayaa
lahashiyo haraad ma ilaasimataa

Exit mobile version