Hadal waayey meel
Ama ana la hubin
La iskuma luloo
Dumar lama hanfin

Habsan iyo asluub
Caqli hufan han weyn
Haween kaalintood
Heer sarad ka tahay

Heemal qurxoon
Hadal dabacsanley
Najma dhaqan haboon
Waxa tahay hal door
Hal durxaaniyo
Lagaa huwiii

Hooyo gaariya
Saari kuu habtoo
Aabo hawl kara
Hareertaada jiray

Hadii loolo dumar
Qurux laysku helo
Hubaal tii hidmidii
Hubaal looga hadhi laha

Kala tihiin haween
Habeen iyo dharaar
Heestaydana hubsoo
Iska hadal ka weyn

Exit mobile version