Qalanjadan haween indhihii qabtee
Qooraansadaa u qushuucayoo
Qacdi aan arkay kasha qaadatoo
Marka aan qureysh quun u fiiriyaba
Qalbigay farxadi i qaboojisaa

Qalanjadan haween indhihii qabtee
Qooraansadaa u qushuucayoo
Qacdi aan arkay kasha qaadatoo
Marka aan qureysh quun u fiiriyaba
Qalbigay farxadi i qaboojisaa

Qoraxdii dhacdee nuurka qeybisiyo
Qamarkaa dhashay ka qurxoontahoo
Qeybaha dhulkiyo shanta qaaradood
Cid u qalantabaan uur qaadinoo
Qaryad bay u tahay qeyrkeed hablaha

Qoraxdii dhacdee nuurka qeybisiyo
Qamarkaa dhashay ka qurxoontahoo
Qeybaha dhulkiyo shanta qaaradood
Cid u qalantabaan uur qaadinoo
Qaryad bay u tahay qeyrkeed hablaha

Calafkuna ma qubo ma qubo ma qubo
Rajadaan qabee qabee qabee
In kastoy qardhaas la ii soo qoray
Culimadu qur,aan i qulaamiyeen
Qof ku weyn haduu u qotamo wadnaha
Lama qarin karee anigay qudhiyo
Qarawgiyo riyada ila qeybsataa

Calafkuna ma qubo ma qubo ma qubo
Rajadaan qabee qabee qabee
In kastoy qardhaas la ii soo qoray
Culimadu qur,aan i qulaamiyeen
Qof ku weyn haduu u qotamo wadnaha
Lama qarin karee anigay qudhiyo
Qarawgiyo riyada ila qeybsataa

Qoortiyo gacmaha la qiyaasayee
Qaab iyo hanaan dhabadeeda qaad
Laagu qoofaley kashu qaayibtoo
Qawlkay dhahdiyo quudbuu noqdaa
Qosolkey kalgacal igu qaabishaa

Qoortiyo gacmaha la qiyaasayee
Qaab iyo hanaan dhabadeeda qaad
Laagu qoofaley kashu qaayibtoo
Qawlkay dhahdiyo quudbuu noqdaa
Qosolkey kalgacal igu qaabishaa

Waana qaaliyoo qumantaan jecalahay
Rabi qaadiraa qoobkeeda rays
Qulqul iyo xareed ku qumaatiyoo
Qolqolkey martiyo qoyskeedu waa
Qormadii ifkiyo qasrigii jannada

Waana qaaliyoo qumantaan jecalahay
Rabi qaadiraa qoobkeeda rays
Qulqul iyo xareed ku qumaatiyoo
Qolqolkey martiyo qoyskeedu waa
Qormadii ifkiyo qasrigii jannada

Calafkuna ma qubo ma qubo ma qubo
Rajadaan qabee qabee qabee
In kastoy qardhaas la ii soo qoray
Culimadu qur,aan i qulaamiyeen
Qof ku weyn haduu u qotamo wadnaha
Lama qarin karee anigay qudhiyo
Qarawgiyo riyada ila qeybsataa

Calafkuna ma qubo ma qubo ma qubo
Rajadaan qabee qabee qabee
In kastoy qardhaas la ii soo qoray
Culimadu qur,aan i qulaamiyeen
Qof ku weyn haduu u qotamo wadnaha
Lama qarin karee anigay qudhiyo
Qarawgiyo riyada ila qeybsataa

Exit mobile version