niyadayda nu'da beerka nalka daarmay
saw naruuro nafcigayga naadinaayay
iima noqon nabar caashaq naxli biiya

qalbi naaxshaay nasab meel fog iiga nuurtaay
noloshayda neeftaan qaatee jidhku nuugaay
saw maad noqon nugaaloo dhan taan ka naadshay

nasan maayoo neefsan maayoo nuux san maayo
jeer naftaydu meelo doogle ood ku nooshay ku nagaatoo

neecow roobeey naq jacayloon ku nimcaystay
nabdi kaaba nasri caashaq nabaadeeya
dhul nabaadle nimco raysa nuur iiftiimaay

i nageeyaay nafaqeeya mid nasiib le
niyad deeqa laab nadiifsha gob nusqaan la'
jacayl nuursha u nasteexa nacab dayray

Exit mobile version