waxaan u dhowaaday
inaan irbad qaato
ilowsho ku keenta
jacaylkani i waalay

qofkaan u ilmeeyay
qofkii iga maydhay
abaalad gudkiisa
qof aad ugu baahan

ahaaday macaanay
ahow farxadayda

ahaaday macaanay
ahow farxadayda
si ay u ahato
aroos rajadeenu

waxaan u dhowaaday
inaan ifka daayo
halku cilmi yaalo
aktiisa u hoydo

adkaysi dhamaaday
aduun mugdiyobay
adaa wehelkaagu
iftiin miray koonka

ahaaday macaanay
ahow farxadayda

ahaaday macaanay
ahow farxadayda
si ay u ahato
aroos rajadeenu

Exit mobile version