Marbaad kali shacniga dumar
Kayraysay sheedoo
Kula shaama reeree
Bal se waa shil iga dhacay
Shayna ruux ma dheeridee
Ha shaabiin dhagoolaa
Ha shaabiin dhagoolaa

Shido looma baaqoo
La isuma shiidheeyee
Waligaa shilkaa garo
Shilkaa garo
Waligaa shilkaa garo

Sharka khayrka ku iloow
Hadal badan shir ku iloow
Intaan wada shirbayniyo
Shalay maanta ku ilaw ku ilaw
Shalay maanta ku ilaw

Hankaygoon la shuuriyo
Shawahaad qalbigan nacay
Waan u diiday sheekee
Shanaad igu talaabso
Sharci iyo ku socotaad
Ma shaleeyo igu lahayd
Ma shaleeyo igu lahayd

Shido looma baaqoo
La isuma shiidheeyee
Waligaa shilkaa garo
Shilkaa garo
Waligaa shilkaa garo

Sharka khayrka ku iloow
Hadal badan shir ku iloow
Intaan wada shirbayniyo
Shalay maanta ku ilaw ku ilaw
Shalay maanta ku ilaw

Shalay maanta ku ilaw
Shalay maanta ku ilaw
Shalay maanta ku ilaw
Shalay maanta ku ilaw

Exit mobile version