Hidiyaa hoobeey sidirigam
Hidiyaa hoobeey sidirigam
Hidiyaa hoobeey sidirigam
Hidiyaa hoobeey sidirigam

Gaafka dhacayee
Gees ilaa gees
Gobta loo imi
Waa gobtiiyoo
Is guursatayee

Hidiyaa hoobeey sidirigam
Hidiyaa hoobeey sidirigam
Hidiyaa hoobeey sidirigam
Hidiyaa hoobeey sidirigam

Hambalyoo guud iyo
Heeso gaaroo
Laab ka soo go,ay
Naga gudoomaa

Hidiyaa hoobeey sidirigam
Hidiyaa hoobeey sidirigam
Hidiyaa hoobeey sidirigam
Hidiyaa hoobeey sidirigam

Gabdhow sacabkii
Gacal mashxaradii
Gaw ka siiyoo
Ha gaabsaninee
Garab istaagay

Hidiyaa hoobeey sidirigam
Hidiyaa hoobeey sidirigam
Hidiyaa hoobeey sidirigam
Hidiyaa hoobeey sidirigam

Idina gurigiin
Cimro gooboodloo
Lixdan guurada
Aad ku gaadhaan

Idina gurigiin
Cimro gooboodloo
Lixdan guurada
Aad ku gaadhaan
Guule idin sii

Hidiyaa hoobeey sidirigam
Hidiyaa hoobeey sidirigam
Hidiyaa hoobeey sidirigam
Hidiyaa hoobeey sidirigam

Exit mobile version