silic wixii nasoomaray
siriqdii mar noo dhigay
gumaysigii sumaysnaa
sixirkii madoobaa
samir bay ku dhaaftee
soomalaiya ha noolaato

shisheeyuhu maseexdee
hasiyaado quwadeenu
ciidan kuna hasaadnaado
qarandumisna sad yelo
calamkaba ha saamayso
soomaaliya hanoolaato

hasirnaado nacabkeenu
hasabayso farxadeeno
hasiyaadmo saaceenu
sahankuna ha guulaysto
ha sareeyo calankeenu
soomaaliya ha noolaato

hasugnato hasaxnaato
sansaantuna hafiicnaato
ha sifowdo saadaashu
saaka himiladey joogto
waatii aan sugayneee
salaan iyo kal gacal diiran
soomaaliya ha noolaato

Exit mobile version