sawirkaagu ku alifan
sadrigayga ku xafidan
caashaqaagu waa sire
ku sandahan naftaydoo
quluubtaad ku sugantahay

wadnahayga sidaad tahay
sikin kaama maarmoo
sibaad iigu wayntee

sahankaygu kugu nagi
ha saldhigo jacaylkuye
sunta caashaq marna
ha igu sii dayn
sunta caashaq marna
kaligay haygu sii dayn

sida dayax iftiin badan
siraad tahay ka sii daran
indho ruuxa saara
sinaba kuma ladaaye
nuurka ii siyaadshaay

kaa soocday dumarkoo
sanku neefle kaligaa
kugu sooray maankee

Exit mobile version