VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Tagtayee - Lyrics

Tagtay anigu maan dirin Tabaye anigu maan nicin Halkey igaga tiiliyoo Kaman tirin bogeygee Dhibtey tabaneysaa badan Waxa ay tirsaneysaa Taariikhda hore iyo Qalad nin tagay galay Kumaan tuurin hadal weli Tiiraanyo gelin kara Weli meel turxaan badan Mey taaban ereyadu Inkastoo qof taamiyo Uu yar yahay qof toosani Waligii qof tuhun badan Ileen looma taag helo Tabtan rabay umey dhicin Go aankaan tixgeliyoo Teedaan u raacee Sidan uguma tala gelin Kumaan tuurin hadal weli Tiiraanyo gelin kara Weli meel turxaan badan Mey taaban erayadu
Queue is empty
-- / --