Hadii tiro xuural cayna
La soo wada tugo hortaada
Hadaanad tanaasulaynin
Tartanka quruxdee aduun ka
Tintaada ma gaadhayaane
Ahow tusmadii jacaylka
Tintaada ma gaadhayaane
Ahow tusmadii jacaylka
2x
Tiriig iyo Nuur bidhaama
Hadii iyada lagu tilmaamo
Waxey tabiyeen ilaysbaa
Hadaa tamartooda liida
Waxey tabiyeen ilaysbaa
Hadaa tamartooda liida
Ii kaliyeey xamo shidaa
Ii kaliyeey xamo shidaa
2x
Adaan tusaale buuxa
Ma Yusur ku ahoo tisqaadka
Bilicda kaaga wada tilmaaman
Adaanan turxaan lahayn
Ha mudanta usiiya xanuunbaa
Adaanan turxaan lahayne
Ha mudanta usiiya ha mudan
Ha mudanta usiiya ha mudan
Ha mudanta usiiya xanuunbaa
2x
Tigaada dhulkeena taala
Cirkiyoo roobka ku tiixa
Biyaha tifiqlee xareedu
Ku dii dhisakoy maraysaa
Toolmoonida daymadooda
Tabtooda adaa dhalaalla
Toolmoonida daymadooda
Tabtooda adaa dhalaalla
2x
Tusaaliyo muuq miyay
Indhuhu ruux kale tabaan
Talaabo wanaagsaneey
Adaan kugu taamayoo
Talaabo wanaagsaneey
Adaan kugu taamayoo
Naftaad ku talaalantaye
Naftaad ku talaalantaye
2x
Adaan tusaale buuxa
Ma Yusur ku ahoo tisqaadka
Bilicda kaaga wada tilmaaman
Adaanan turxaan lahayn
Ha mudanta usiiya xanuunbaa
Adaanan turxaan lahayne
Ha mudanta usiiya ha mudan
Ha mudanta usiiya ha mudan
Ha mudanta usiiya xanuunbaa
2x

Exit mobile version