Dharaar wel wel uu kufuulay
Walaacyadu waa culayse
Waayaha haku haysan
Laabtee laqaybso walaal
Dhib kaaga x2

Habeen walbahaar da'aayo
Daruuraha wahabka keena
Markuu waqal koodu hooro
Guryaha wehelkaaga booqo
X2

Qofaad la'wadaagto sheeko
Aduunka hadaad kawaydo
Qalinku nafis buu wataayee
Waraaq ku qor oohintaada
X2

Ayaamuhu waa wareere
Hadii dhulku kula wareego
Cirkaa garab laga wacdaaye
Wardiga xarigiisa hayso
X2

Wakhtiga adagee hadheyay
Haday kashu wayraxayso
Rabiga waan waan laqaado
Wanaji dheh maal mahayga
X2

Qofaad la'wadaagto sheeko
Aduunka hadaad kawaydo
Qalinku nafis buu wataayee
Waraaq ku qor oohintaada
X2

Exit mobile version