markuu xasadkii wax sheegey
xubigu wuu sii siyaadey
xanteenu markay fogaatay
xaqiiq isu soo dhawaanay
xuduudu ala markay adkaatay
xiisihii wuu laba jibaarmay
xagaaga markan ka raagay
xayaati waan kuu hiloobay
doodaha xiligaan galaynay
xidhiidhkaa midha dhalaayay
rabaa hadafka xaqiijiyey
xafladii guurkaa la gaadhay
xafladii guurkaa la gaadhay

markaynu yar kala xanaaqnay
xoogban kuusii jeclaaday
xiskayga markad ku baahday
jaceyl xalad laa bilaabmay
xisaabtii hoy dhexdeena tiilay
kalsoonibay xoojinaysay
xusuusta markaan cidloodo
adaa soo xaadiraayey
doodaha xiligaan galaynay
xidhiidhkaa midha dhalaayay
xafaladii guurkaa la gadhay
xafladii guurkaa la gadhay

Exit mobile version