qabo araga xiisaha
naftu kuma qabawdee
qadar maalmo kooban
jacayl laguma qaadee
ha qaan gaadho caashaqu

qofaad maalin kulanteen
jacayl aad qorshayseen
dhab adoon u qiimaynin
qunyar ha isu dhiibin

qiirada ka daa dookha
qalad maanka ha u sheegin
ha qiyaasin ruux kale
qadar waa halkiisee
yay ku qaadin muxibadu

qunyar socod talaabada
cishqi kuma tisqaadoo
afkuun qawl ka soo baxay
qalbi laguma hantee
ha qudh goynin caashaqa

qofaad wada qososheen
farxad wada qadaabteen
dhab adoon u qiimaynin
qiso ha u malaynine

Exit mobile version