marka hore dhamooy
dhamaystii haweenkaay
dheehaagu siduu yahay
bal dhag aan kasiiyee

midabkaagan dhiinkiyo
dhaayahaagan quruxda le
suniyaha bil dhalatiyo
sida qaanso loo dhigay

u dhalaalay eegmada
dhugashada mar qudhubu
qalbigii dhalaaloo
waan dhaqaqi waayee

asal dhalad wanaageey
dhaqan iyo xishoodiyo
hido aan la dhalan rogin
ayaad shaxal u leedahay

dhigaa waxaad ku dhaaftay
dhismaha jidhkaagiyo
dhexda madag lamoodiyo
qurux aan dhamaanayn

Exit mobile version