xaradheere inantii
lagu soo xanbaaree
xaragada u dhalataay
xilo deeqsibaad tahay

dumarkana xisaabtiyo
xanaanaad ku dhaaftoo
XAAKIMKII ku uumaa
xiska kuu dhamaystirayee

xaasid uma hawoodoo
ma xanibo danteedee
xawaareey ku dhaaftaa

mid xafida nafteedoo
xaquu faray ILAAHAY
xajisay xijaabkoo
xurmo dhawrsanbaad tahay

Exit mobile version