midnimaa aduunyadu
lagu wada masuubaa
haduu maanku ladanyahay
dadku malle ma yesheen
midigtuba macin ma leh
hadey bidixdu maqantahay
wa laba mataanoo
howsha maamulaaye
muraqina maalo
dhulka miro ku beero
macdanta dahabka
muujiya wanaaga

masna weye wabigani
miirti dhex jiiftoo
wa madal barwaaqo
duunyadu mushaaxde
moota la raaciyo
taksi lagu marqama
miliq miliqda suuqyadu
macna yeelan meyse
muraqina maalo
dhulka mira ku beero
macdanta dahabka
muujiya wanaga

maangaabka taladiisu
wa maqane joogee
waanada ma qaatoo
wuu mala maleyaa
maahmaahda dhaqankaa
murtidii ku sheegee
ruuxii malaasani
erey kama macaashee
muruqiina maalo
dhulka miro ku beeroo
macdanta dahabka
muujiya wanaaga

Exit mobile version