dareemada qalbiga
midka dayriyee
hanka doojiye
dajiyaha naftoo

midka daawadee
dadka odil dhamaan
aan ka doortaye
dugsadee hantoo

daweeyaha kalgacal
dabiib aha qalbiga
i daneeyahan
ku ildoogsade
daadihi naftaan

dookii naftuba
midkay doonaya
laabta diirsha iyo
dayax ii ifoo

dar alley nabdiga
midkaan kali dagay
aan ka doorbidee
maanka deeqayoo

daweeyaha kalgacal
dabiib aha qalbiga
i daneeyahan
ku ildoogsade
daadihi naftaan

Exit mobile version