ma ogtahay inbadnabadanbaan
kaa aamusnaayoo afka kaala baqayee
ma ogtahay indhaha iyo uurkuba daraadaa
inay kuu ilmeeyaan kalgacayl la ooyaan
ugub kula midaan ahee sidan aabahaa dilayeey
ooda ha iga roganine umalka iga daa
ajo kaama dhoobayn igaadh kaama gaagixin
kaamana ag tagayoo anigu adigaan ku jecelee
kaalay kaalay kaalay adhaxda igu qaad

ma ogtahay ayaamahan anigiyo haweenkaba
arxan nama dhex yaalee
ma ogtahay amaaniyo waliood abaal male
ana kama sugaayee hadaad doonto ololoo
waxba iima ihide edegaad i galiseene
waan aarsan doonaa ilmada iga daaa
ii kaalay kuma odhan ilbaxuna maaha sidan
ragna lama afduubee anigu adigaan ku necebe
orod orod orod aragaaga iga qari

ma ogtahay ibtiladiyo arimada adiga igu beeroo
ma ogtahay asaag iyo inaan aynigaagaba
aawadaa u diidoon kaa eegto dunidaba
sida geed cadaahiya ama jeerta awdalane
ha isu kay afuufine umalka iga daa

ma ogtahay afeefiyo in adkaysi wacanyoo
aan ku odhan lahaa joog
ma ogtahay ul dhabiyiyo hadaad noqon lahayd udub
kuma eegi karayee iska kay ilowoo
waxba ima ihide ubatee jacaylkoo
meelahaa ka ooy ooy ilmada iga daa

Exit mobile version