markuu seexday aadmigu
iyadoon ilays jirin
aqalkuna madawyahay
araweelo ii timid
kacoo eeg soo imay odhan
ubaxaan dugsiga dhigay
riyadaan ka oogsaday
markaan furay albaabkii
awrkii cirkaan xalay
arkayoon ku moodoo
mudo ku ag wareegee
uubnimo xishoodlee
il nugaylna waabtee
afka kama cadayn karo
ergona uma dirin karee
caashaqu ogaysiis ma leeyahay

naftii jacayl ooman
kolna eed ma waydee
sida igadh maqaareey
olol reemay goortaan
indhahayga wiilkii
aan ogolaaday saaree
mar waxaan idhaa
balaayo ma jiidhaa
marna waxaan idhaa
abidkaaba ha u jabin
misna kama adkaystee

miyaan ka ag fogaadaa
sidii ayro geeloo
ilmo loogu xidhay waab
inanimadu yaablee
ka adkayso sow ismaan odhan
eedaadkaagana u tudho
niyadaan ka oogaa
urugada xasuustaa
uurkiyo calooshay
aramidu i jiiftaa
ma ilaawi karaaye

Exit mobile version