maxaan kaa dhursugayooon
inaan dhaayaha ku saaroon
ku dheehdo doonay
maxaan kuu dhabar adaygoon
habeenimo kugu dhadhabayoo
dhuuntiyo laabta kaa dhabcaalay
hadaad dhinacayga joogto
jacaylka la dhuuman maayee
wadnaha aan kugu dhaweeyee
dhulkii kuu quudhi maayee
cirkana kuma dhigi karaayee
ayaa kaa dhiga midhkaa
intaan caashaqa dhitaysto
dhankaa aan kugu hayee

maxaan kaa dhuuntay
intaan dhabo kaaga leexday
shantaa dhaban qabsaday
maxaan isu dhaafnoo
dhankaaga laga iga dhirbaaxo
dhinbiilo aan ku yeeshay
hadaan dhinacaaga joogo
sidii ruux yaroo dhalaana
bal maad ilmo dhagac kasiisid
aniga maqashay ka dhagalee
dhoorkuunbaa ku daali doonee
ayaa kaa dhiga quwaax
dhadhaabiyo dhagax dixeed
aan dhoolo qosol cadeeyee

maxaan kuu dhabarayoon
dartaa dhuuniga u diidoon
dhul yaalay awgaa
maxaan dhalandhool yahoomon
dharaar iyo laba boqooloon
dhanqaalan kalgacayl aan la dhuubtay

maxaad dhaygag yaaboon
dhiig iyo uus ma lihide
dhafoor ku taabtay
maxaan caashaqaaga dhababoon
dhacamo waawayn gooyoo
dhunkaal u qooshay

Exit mobile version