ayaamahan todobada ah
mid waliba awoodiyo
amarbay ku joogtaa
axadi waxay tilmaantaa
aduunkaa la taagoo
way adkaysi badantay
isniintuna waxay tilmaantaa
udgoonow rasuulka ????? ?? ???? ????? ????
aduunyada la keenoo
aakhirkana dheelmaday
arbaci waxay odorostaa
waa kulanka awliyoo
waxay ehel wadaagaan
khamiis lagu ogoodaa
jimceey ehel wadaagaan
waa laba is aaminay
iska xiga ayaamaha
arimaha talaadadu
oogta yawmul badar
la indheeyay garane
sabti waxay awoodaa
ILAAHII sameeyaa
unugii la kooboo
umuuraha is dooray
waxaanay aniga ii shilin
afarteeda waaxood
qabyo kama idlaatee
anigiyo ayaankay
ubax waxaan sidanaba
aan aroosno caashaqa

Exit mobile version