Salax Qaasim
Maxaan kaa dhursugayoon
Inaan dhaayaha ku saaroon
Ku dheehdo doonay
Maxaan kuu dhabar adaygoon
Habeenimo kugu dhadhabayoon
Dhuuntiyo laabtaan kaa dhaqaaray
Hadaad dhinacayga joogtoon
Jacaylka la dhuuman maayee
Wadnaha aan kugu dhaweeyo
Dhulkii kuu quudhi maayee
Cirkana kuma dhigi karaayee
Ayaa kaa dhigaa miftaax
Intaan caashaqa dhitaystoon
Dhanka aan kugu hayee

Khadra Dahir
Maxaan kaan dhuuntay
Inta dhabbo kaaga leexday
Shan taa dhaban qabsaday
Maxaynu is dhaafnoo
Xagaaga la iga dhirbaaxoon
Dhinbiilo aan ku yeeshay
Hadaan dhinacaaga jogoo
Sidii ruuxyaroo dhalanoo
Bal maad ilmo dhagac ka siisid
Aniga maqashay ka dhega li’i
Dhoorkuunbaa ku daali doonee
Ayaa kaa dhigga quwaax
Dhadhaab iyo dhagax dixeed
Aan dhoolaha qosal cadeeyee

Salax Qaasim
Maxaan kuu dhafarayoo
Dartaa dhuuniga u diidoo
Dhuyaalay awgaa
Maxaan dhalan dhoolayo
Dharaar iyo laba boqooloon
Dhanqalan kal gacayl aan la dhuubtee
Hadaad dhinacayga joogtoo
Jacaylka la dhuuman maayee
Wadnaha aan kugu dhaweeyee
Dhulkii kuu quudhi maayee
Cirkana kuma dhigi karaayee
Ayaa kaa dhigaa miftaax
Intaan caashaqa dhitaystoo
Dhanka aan kugu hayee

Khadro Dahir
Maxaan dhaygag yaaboon
Dhiig iyo uus toona malihide
Dhofoorka ku taabtay
Maxaan caashaqaaga dhababoon
Dhacamo waawayn u gooyoon
Dhunkaal iyo dhiro u qooshay
Hadaan dhinacaaga jogoon
Sidii ruuxyaroo dhalaanoo
Bal maad ilmo dhagac ka siisid
Aniga maqashay ka dhega li’i
Dhoorkuunbaa ku daali doonee
Ayaa kaa dhiga quwaax
Dhadhaab iyo dhagax dixeed
Aan dhoolaha qosal cadeeyee.

Exit mobile version