VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Faal caashaqa - Lyrics

Maraan xalayto faalada Waayahan ku faafan Fiirsaday aduunyada Oon uur fayoobiyo Faraciyo jacaylkaba Firxadkooda maqaniyo Farsamee dantaan idhi Iga sii furfuratoo Fooq waliba iga dumay ALLAHAYOW fogaydee Nafta meelan kala faqay fogayde Dhibaato igu filaneey Faraqaan ku haystee Wali faalkii jacaylku Ma igu soo fadhi xunyahay Maraan xalayto falagiyo Jacaylka igu fool adag Waan feedh dalooshee Foogadeeda guudiyo Falanqee is idhiyoo Fiidkaan shirkaan galay Markuu ruux u foojigan Talo faalo u sarakacay Fikirkaan ku gaadhiyo Maraan xalay ficilada Farta la isu godo iyo fool xumada jiidhay Fule xantij ma moogee Marna aan ku gooraray Oon dayay falaadhaha Ku farcamay naftaydiyo Fakalookan caashaqa Fahmadii igala tagay
Queue is empty
-- / --