VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kaalay - Lyrics

page ka 1aad Khadra Ma ogtahay in badan baan Kaa aamusnaayo Afka kaala baqayee Ma ogtahay indhaha iyo Uurkuba daraadaa Inay kuu ilmeeyaan kalgacayl la ooyaan Ugub kula midaan ahayeee Sidan Sidan Sidan Aabahaa dilayee Oodaha haigu roaganine Umalka iga daa Ajjo kaama dhoobayn Igadh kaama gaagixin Kaamana agtagayoo Annigu annigu Adigaa ku jeclahee Kaalay Kaalay kaalay Arraxda igu qaad Page ka 1aad Rooraaye Ma ogtahay ayaamahaan Annigu iyo habeenkuba Arxan nama dhaxyaalee Ma ogtahay Amaaniyo Waligood abaal Maleh Anna kaama sugaayee Hadaan doonto olaloo Waxba iima hiilinee Edeg edeg edeg kaad igalisee Waan aarsan doonaa Ilmada iga daa Iikaalay kuma oran Ilabaxuna maad sidan Ragna lama afduube Anigu annigu Adigaa ku necbahee Oorad oorad Aragaaga iga qari Page ka 2aad Khadra Ma ogtahay Ibataldii Arimada jacaylkaba Adigaa igu beeroo Ma ogtahay Asaagaaiyo Inan eenigaagaba Awadaa udiidoo Kaa eegtay dunidaba Sida geed Cadaadiya Ama ama jeerta Owadalane Ha isku kee afuufinee Umalka iga daa Ajjo kaama dhoobayn Igadh kaama gaagixin Kaamana agtagayoo Anigu anigu Adigaan ku jeclahee Kaalay Kaalay kaalay Arraxda igu qaad Page ka 2aad Rooraaye Ma ogtahay afeefiyo in adkeesi Wacanyahoo Aan ku oran lahaa joog Ma ogtahay ul dhabi iyo Hadaad noqan lahayd udug Kuma eegi karayee Iska keey ilooboo Waxba iima heesidee Uba Uba uba jaceyl liitoo Meelaha ka ooy ooy Ilmada iga daa Iikaalay kuma oran Ilabaxuna maad sidan Ragna lama af duubee Annigu annigu Adigaa ku necbahee Oorad oorad Aragaaga iga qari waxaa dib usaxay Ali amaan
Queue is empty
-- / --