Sida layligoo kale eey
Hadad laacdan barad
Tahayeey oonad garan
La leemiyo eey halkaad
Libin kuleedahay yeey
X2

Lubbigaagu laab-kaco
Dhulkuu kaaga luli
Jirayeey X2

Hadaad lahashadaadiyo
Luga haaga kala reeb
Armaad laafo lugataa
Talo kaa likidantaa ood
Labiyo toban jeer toban
Jeer igu soo lig ligataa
X2

Lugtii faraska raacdaba
Eey marbuu luunku
Gowriciyeey hadaad
Sidigta laalayseey iyo
Sida lamaan keedeey
X2

Amaad leexo dheregteen
Sidii ubad laguu lulayee
X2

Hadaad lahashadaadiyo
Luga haaga kala reeb
Armaad laafo lugataa
Talo kaa likidantaa ood
Labiyo toban jeer toban
Jeer igu soo lig ligataa
X2

Laxowsiga naftaydiyo
Eey taladeenan loxoska
Heey libiqsiga cadaawuhu
Eey igu kaa lureeyaaneey
X2

Hadana laabta maan galin
Inuu liico caashaquyee
X2

Hadaad lahashadaadiyo
Luga haaga kala reeb
Armaad laafo lugataa
Talo kaa likidantaa ood
Labiyo toban jeer toban
Jeer igu soo lig ligataa
X2

Exit mobile version