Wan la qalay sidiisaad
Hilibkaygii wadhatoo
Waaxyahaygaa go'anbaad
Waraabaha ugu baaqdoo
Wagar habar dugaagbaad
Wacdayood u yeedhoo
Ku wiirsaad lahaydoo
Noloshaba ha waydee
Anuunbuu waydkaygiyo
Waqtigaygu galinoo
WAYNUHU i daayee
Waxba iilamaad hadhineey
Waxba kuulamuu hadhineey

Wabiga i sitee
I walwaalayaa
Xagee igu wadaa

Waydiiya oo waydiiya oo
Wad waa loo dhashee
Wax ka daran biyuhu
Miyay warinayaan

Warariyo jar dheer
Waadigan xargagan
Ha iga weecinoo
Ha iga waabine

Imisaan walwaal
Iyo ceel war dheer
Kaga baxay wadaan

Imisaan waheen
Wabi soo rogmaday
Igu daray bad wayn
Waxna aanan noqon

Adoo walax suniyo
Waabay cabaa
Waagu kuu baryaa

Wiririgo hadii wiririgo hadii
Wad lagaaga dhigo
Ma ogtahay waqtiga
Lama waabiyee

Waaceel jiriyo
Wehelbaynu nahay
Wanaagaan qabana
Waad ka wayraxdaa

Waan ku waaniyaa
Wacdigaad dhagaha waydaarisaa

Wanaagbaan sidaa
Jacaylbaan wadaa
Anoo waafiyaad
Wayd iga dhigtaa

Exit mobile version